Maxaa loola jeedaa duruufaha dembiga culeeya | What are the aggravated conditions for crime?

 

Duruufaha cuslaysiinta.

Inta badan waxaad maqashaan duruufaha dembiga culeeya marka ay dacwadda oogayaan howl wadeennada Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ama Qareennada ay ka codsanayaan garsoorka in loo fiiriyo eedeysanaha duruufaha dembiga fududeeya.

Si kastaba ha ahaatee waxaan halkaan ku lafa gureynaa waxa laga wado duruufaha eedeynta ku culeeya eedeysanaha sida ku faahfaahsan qodobka 481 xeerka ciqaabta soomaaliyeed.

Qodobka wuxuu leeyahay arrimaha ku xusan Qodobada kore eedeysanaha gala dembiyadaas ciqaabtiisu waxay noqoneeysaa xabsi dhan hal sano ilaa lix sano iyo ganaax lacageed oo u dhaxeeya shilin soomaali 1,000 ilaa sh.so. 10.000, waxaa sidaa la yeelayaa:-

Marka eedeysanuhu sameeyo si uu dembiga u galo ku haro goob dhisme ah ama meel kale oo loo isticmaalo hoy ahaan waxaa ku cuslaaneyso eedda loo heysto ciqaabtiisa waa ay kordheysaa.

Sidoo kale marka eedeysanuhu uu isticmaalo xoog inuu ku qaato sheyga ama uu sameeyo isagu hab ka mid ah sifooyinka wax lagu dhagro eedda waa ku cuslaaneysaa.

Sidoo kale marka eedeysanuhu hub isticmaalo ama uu saaxib la yahay kuwa isticmaala maandooriyaasha, xataa hadduusan isticmaalin eedda waa ku cuslaaneysaa.

Sidoo kale marka dembiga uu ku galo inuu ka dafo gacanta qofka sheyga lahaa ama korkiisa ka dafo amase uu ka jeexo ama uu ka khasaariyo eedda waa ku cuslaaneysaa.

Sidaas si la mid ah marka dembiga ay galaan saddex qof ama ka badan, amase xataa hal qof oo is qaab baddalay ama isu ekaysiiyay sarkaal guud ama qof haya xil adeeg guud oo intaas oo dhan ay been yihiin eedda waa ku cuslaaneysaa.

Sidaas oo kale marka dembiga lagu galo boorsooyinka dadka safra oo laga dhex helo nooc kasta ee gawaarida, goobaha gaadiidka laga raaco ama garoomada diyaaradaha ama deked markab, hoteelada ama meelaha kale ee cuntada ama cabitaanka lagu iibiya qofkii dembi ku gala eedda waa ku cuslaaneysaa.

Si taas la mid ah marka dembiga lagu galo hanti ay leeyihiin xafiisyada danta guud ama meelaha lagu hayo shaqooyinka muhiimka ah ee bulshada ama shey kasta oo guurto ah qaato ama la wareego ama daaha ka qaado sabab baahi qofka haysay awgeed eedda waa ku cuslaaneysaa.

Si la mid ah sidii aan soo sheegnay marka dembiga lagu galo tiro la eg saddex ama ka badan ee xadda neefley xoolo ah sida geela ama lo'da ama gammaan faras, amase xoolo kale oo qiimo u lahaa milkiilha iskaleh, eedda waa ku cuslaaneysaa.

Iyo marka ay kulmaan laba durufood ama ka badan ee ah kuwa ku cad maqaalkaan ee la kulanto mid ka mid ah kuwa xusan Qod. 39, ciqaabtu waxay noqoneeysaa xabsi u dhaxeeysa saddex sano ilaa toban sano iyo ganaax lacageed oo u dhaxeeya sh.so. 2000 ilaa sh.so. 15.000.

Maqaalkeenna kan xiga waxaan kaga hadli doonnaa hadduu Alle idmo duruufaha dembiga fududeeya.

Post a Comment

0 Comments