Dembiga ku xusan Qodobka 451 XCS Maxkamadee Qaadeysa?

Qodobka 451 Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed waxaa uu ka hadlaa Af-lagaaddo qof loo geystay in ay dembi tahay, kii la af lagaadeeyeyna xaq u leeyahay inuu dacwoodo.

haddaba Maxkamadee lagu qaadayaa dacwadaan?

Qaadidda dacwaddaan marka qodobka kaligiis yahay waxaa awood u leh Maxkamad Degmo, laakiin haddii ay jiraan Qodobo kale oo eedda la xiriira waxaa ay ku xiran tahay culeyska uu leeyahay dembiga kale ee la galay inta uu la eg yahay.

Qodobka wuxuu leeyahay sidaan:

Qof kasta oo ku af-lagaadeeya sharafta iyo sumcadda qof kale eray ama ficil joogidiisa ama qoraal ama sawir ama xiriir telefoon ama telegram waxaa lagu ciqaabayaa marka uu dhibanuhu dalbado xarig ilaa Hal sanno ah ama ganaax ilaa 1,000 Sh So. ah.

Ciqaabtu waxay kordhaysaa ilaa labanlaab:-

(a) Marka af-lagaadada lagu sameeyo meel uu joogo hal qof ka badan ama hab ay si toos ah ugu ogaan karaan dad badan.

(b) Marka af-lagaadadu ahayd tilmaamid arrin cayiman.

(c) Marka ay af-lagaadadu ku waajahan tahay si toos ah qowmiyadda, asalka bulsho ama qoyska dhibanuhu ka tirsan yahay.

(d) Halka af-lagaadada lagu galay eray, fal, qoraal ama sawir ama xiriir is-gaarsiineed oo caadada bulsho si toos ah caro ugu abuuri karta dhibanaha, xataa haddii aanay caradaas abuurin si gaar ah dabeecad culays u leh.

3. Dacwadda waxaa oogaysa dawladda marka ay jiraan xaaladaha ku xusan xarafaha (c) & (d) ee faqradda hore.

4. Marka af-lagaadada laysu celiyey Maxkamaddu waxay caddayn kartaa in midkood ama labaduba aanay ciqaab mutaysanayn in kasta oo dhinacyada midkood dacwad soo gudbistay.

haddii ay dhacday in qof barii' ah la af-lagaadeeyo qofkaasi wuxuu xaq u leeyahay inuu dacweeyo ciddii af-lagaadeysay, dembigu haddii uu ku siman yahay af-lagaaddo oo kaliya waxaa dacwadaasi qaadeysa Maxkamad Degmo.

haddii ay soo raacaan ama ay la xiriiraan qodobo kale oo iyaguna sheegaya dembiyo kale oo ay ciqaabtoodu culus tahay waxaa qaadeysa dacwadaas Maxkamadda Gobolka ku taallo Gobolka uu dembigaas ka dhacay, waxaana markaas dacwadaas loo oogayaa Xafiis ahaan.

Post a Comment

0 Comments