Qaybaha Maxkamadaha Garsoorka Ciqaabta
Qaadista dacwadaha ciqaabta ah si waafaqsan Dastuurka iyo xeerka nidaamka garsoorka waxaa u xilsaaran:
Maxkamadaha Degmooyinka
Maxkamadaha Gobollada
Maxkamadaha Racfaanka Gobollada
Maxkamadda sare ee Dalka
Awoodaha iyo qaab
dhismeedka Maxkamadaha Caadiga ah
Qaab
dhismeedka waa seddex darajo oo kala ah:-
Darajada 1-aad oo la isku yiraahdo maxkamadaha Degmooyinka iyo maxkamadaha Gobollada.
Darajada 2-aad maxkamadaha racfaanka Gobollada.
Darajada 3-aad maxkamadda sare ee Dalka.
Maxkamadda Degmada waxay awood u leedahay qaadista dhamaan dambiyada ciqaabtooda xabsi ku egtahay ilaa sedex sano ama ganaax ilaa 3,000/ sh.so ama labadooda oo la isku daray.
Maxkamadaha Gobollada waxaa ay awood u leeyihiin qaadista dambiyada ciqaabtooda ay ka sareeyaan seddex sano ama ganaax ka badan 3,000 shso, ama labadooda oo la isku daray.
Xaddidaadda awoodda
xagga dhulka:
Awoodda maxkamadda xagga dhulka waxaa xadidaya meesha lagu galay dambiga hadii uu yahay dambi socdo ama dambi joogto ah, waxaa awooda yeelanaayo maxkamadda ay soohdinteda tahay meesha uu ku dhamaaday socodka dambiga ama joogtanimada, haddii ay suurtoobi weeydo in lagu xaddido maxkamadda awooda u leh nidaamka faraqada hore ama uu yahay dambi lagu galay dalka dibadiisa, maxkamadda sare ayaa cayimeeysa maxkamadda qaadeeysa ka garnaqista kiiskaas.
Maxkamadda haddii ay gasho dacwo aanay awood u laheyn ka garnaqisteeda waxaa soo jeedin kara Dacwad oogaha, eedeysanaha ama Maxkamadda ayaa soo jeedin karta si iskeed ah iyadoo ku dhawaaqeyso in aanay u laheyn awood ay kaga garnaqdo kiiska.
Dambiyada isku
xeran:
Dambiyada waxa ay yihiin kuwo isku xeran marka dambiga dacwadiisu socotay ay galeen dad badan oo ay si wada jir ah uga qayb qaateen sida ku cad qodobka 71 xcs ama hadii hal qof lagu soo eedeeyay dambiyo badan.
Waxyaabaha ka
dhasha dambiyada isku xeran xagga maaddada:
Marka ay jiraan dambiyo isku xeran xagga maaddada oo ay qaar ka mid ah dambiyada soo galaan awoodda laanta tashiga ee maxkamadda qaarka kalana ay galaan awooda laanta caadiga ah ee maxkamadda gobolka ama maxkamad degmo, dhamaantood waxaa awood u yeelanaayo Maxkamadda Gobolka, sababtoo ah waxaa la eegayaa dembiga ugu culus ee la galay xajmigiisa waxaana la geynayaa ikhtisaas ahaan halkii lagu qaadi lahaa, inta kalana waa ay raacayaan.
Hadii qaar ka mid ah dambiya ay soo galaan awoodda laanta caadiga ah ee Maxkamadda Gobolka, kuwa kalane ay galaan awooda Maxkamadda Degmada waxaa dhamaantood awood u yeelanaayo laanta caadiga ah ee Maxkamadda Gobolka, iyadaana ka garnaqeyso kiiskaas.
Waxyaabaha ka
dhasha dambiyada isku xeran xagga dhulka:
Marka ay jiraan dambiyo isku xera xagga dhulka oo labo ama kabadan Maxkamadood ay awood u yeeshaan xagga dhulka, awooda qaadista dacwadaha dhamaantood waxaa yeelanaya maxkamadda ku taalo meesha laga galay Dembiga ugu culus ama dambiyada ugu tirada badan hadii ay yihiiin dambiyo ka siman xagga culeyska.
Haddii ay suurtoobi waydo in la garto maxkamadda awoodda u leh, maxkamadda galeeysa waxaa cayimaayo Maxkamadda Racfaanka, hadiise ay yihiin maxkamado kala leh maxkamad racfaan oo kala duwan waxaa cayimeeysa maxkamadda sare ee Dalka.
Isku khilaafidda
xagga awoodda:
Isku khilaafidda xagga awoodda waxay jireeysaa marka laba maxkamadood ama kabadan ay isku mar galaan dacwo qaadista ama diidaan qaadista dacwadda isla hal dambi
Dhinacyada
Xafiiska Xeerilaaliyaha Guud
Xafiiska Xeerilaaliyaha Guud wuxuu fuliyaa howlaha ku cad qodobka 8-aad ee xeerka nidaamka Garsoorka 1962 iyo howl kasta oo uu qaanuunka u xilsaaray.
Doodaha Dacwadaha maxkamadda sare horteeda waxaa ku metelo xeerilaaliyaha guud ama ku xigeenkiisa
Laanta tashiga iyo laanta caadiga ah ee Maxkamada Racfaanka iyo Gobolka xeerilaaliyaha guud ama ku xigeenadiisa midkood ama sargaal Boliis ah oo uu magacaabay Xeerilaaliyaha Guud ayaa ku matalaya dacwad oogista.
Maxkamadaha Degmooyinka hortooda Taliyaha Saldhiga Boliiska ee ku yaalo soohdinta maxkamadda ama sargaal Boliis oo uu asaga magacaabay ayaa ku matalaya dacwad oogista.
Baarista iyo ladagaallanka Dambiyada waxaa fuliya Boliiska ayagoo raacaayo jiheynta iyo hagista Xafiiska xeerilaaliyaha Guud.
Marka loo arko danguud Xerilaliyaha Guud waxa uu awoodaa in uu ula soo wareego xafiiskiisa howl kasta oo la xariirto baarista ama oogista dacwadda.
Dhinaca
Eedeeysanaha:
Eedysane waa qof kasta oo loo xero tuhun faldambi xitaa ayadoon la haysan amar maxkamadeed ama lasiiyay amar hor imaatin maxkamadeed, waxa uuna xaalataas ku jirayaa ilaa xakunka ciqaabidda ama kan bariyeelidda uu ka noqonayo kama dambeys ama la ansixiyo qaraarka in aan dacwo lagu qaadi karin
Eedeeysanaha waxaa loo aqoonsadaa dambi laawe ilaa lagu rido xakun ciqaabeed kama dambees ah
Eedeysanaha lagu xakumay faldambi ama lagu waayay faldambi xakunkaasna uu noqday kama dambees, mar labaad laguma soo oogi karo isla faldambiyeedkaas xataa hadii falkaas loo tixgaliaya sharci ahaan in uu ka dhalaanayo dembi kale marka laga reebo xaaladda ku xusan qodobka 77/2
Eedeeysanaha waxaa difaaci karo hal qareen ama wax kabadan, xaaladaha qaar marka uusan awoodin in uu qabsado qareen maxkamadda waxaa ay u magacaabi doontaa xafiis ahaa hal qareen, hadii aysan jirin dano iska hor imaamanayo laba edeysane ama ka badan waxaa isku difacay hal qaren (15)
Dhinaca Dhibanaha:
Ereyga dhibane waxaa loola jeedaa qofka ay dhibaato kasoo gaartay dambiga ama ah wakiilkiisa sharciga.
Dhibanaha waxa uu maxkamadda u gudibn karaa arji codsi ah oo uu ku dalbanayo in eedeeysanaha loogu xakumo magdhaw khasaarihii uu mas’uulka ka ahaa ee ka dhashay fal dambiyeedkii, waana in maxkamadda loo hordhigo af ahaan ama qoraal ahaan ka hor inta xeerilaaliyaha soo jeedin gabagabadiisa, Dhinaca dhibanaha waxa uu yeelan karaa hal qareen kaliya (15/6).
0 Comments