Garsoorka Dalka Dacwadaha Maamulka, Dawr intee le’eg ayay ku leeyihiin Maxkamadda Gobolku, iyo Jahwareerka sharci ee ay dhaliyeen Xeerarkii Maxkamadda Badbaadadu ee Dalkeenna ka jiri jiray.
Nidaamyada Garsoor ee Dawladaha dunidu waxa ay u qeybsan yihiin 2 qeybood marka laga eego dacwadaha uu garsoorku ka garnaqayo iyo qeyb qaadatay nidaam midaysan oo ka dhigan in garsoorka dalku uu noqdo mid keliya, kaas oo isaga gacanta loo wada geliyay ka garnaqista dhammaan dacwadaha oo idil ha noqdaan kuwa dadka caadiga ah ka dhaxeeya ama kuwa dawladdu dhinac ka tahay intaba, dacwadahaasi ha noqdaan kuwa madaniga ah, kuwa Idaariga ah (Maamul), kuwa ciqaabta ah iyo cayn kasta oo ay dacwadi noqon kartaba iyo qeyb qaadatay Nidaamka is garabyaalla ama isku Lamaan oo garsoorka u kala saaray laba qeybood oo kala madax banaan oo qeybi ay ka garnaqdo dacwadaha caadiga ah ee bulshada ka dhexdhacay sida dacwadaha Madaniga, Ciqaabta iyo Qoyska, halka qeybta kale ay awood u leedahay ka garnaqista dacwadaha loo yaqaan dacwadaha Maamulka.
Soomaaliya markii ay xorriyadda qaadatay 1960kii waxa ay qaadatay Nidaamka Garsoorka Maamul ee midaysan kaas oo Garsoorka caadiga ah awood u siinayay in ay iyagu yihiin cidda keliya ee awoodda u leh ka garnaqista dhamaan murannada iyo dacwadaha dhinacyada dhexmara, ha noqdaan dacwadahaasi kuwa Madani ah, Ciqaab ah, Dastuuri ah ama Maamul ah, mana jirin garsoor kala soocan oo mid kastaaba goonidiisa u madax banaan yahay.
Haddii aan fiirino sooyaalka taariikheed ee Dacwadaha maamulka ka hor intii aan xorriyadda la qaadan waxaan arki karnaa in sidaa si la mid ah uu garsoorka caadiga ah u wakiilanayay qaadida dacwadaha noocan ah, xeerkii nidaamka garsoorka ee xilligii daakhilyada, Xeer no.5 ee soo baxay Febraayo 1956 iyadoo qodobkiisa 11aad uu sidaas jidaynayay.
Walow xilligii xorriyadda la qaatay iyo waxyar ka horba lasoo jeediyay in la sameeyo Gole Dawladeed (Consiglio di Stato or State Council) oo isagu u gaar ah ka garnaqidda dacwadaha maamulka, iyadoo looga dayano waddamo badan oo ay ka mid yihiin gumaystihii Talyaaniga ee xilligaas joogay, faransiiska oo isagu muddo dheer ku soo dhaqmayay iyo masaarida oo iyagu laftigoodu ka dheegtay Faransiiska, haddana fikraddaas aad baa looga soo horjeestay mana ka hana qaadin gayiga Qaranka Soomaaliyeed.
Asbaabtii ugu weynayd ee loo diiday dhismaha golahaasina waxaa ay ahayd in aan hadda loo haynin garsoorayaal iyo xirfadlayaal ku filan labada qaybood ee garsoorka loo kala qaybinayo, sidoo kalena aysan dawladdu qarash, miisaaniyad iyo xarumo shaqo oo ku filan u haynin in ay garsoorka laba qeybood ka dhigto Dowladdii markaas jirtay.
Sidii aan hore usoo sheegnay Soomaaliya xorriyadii kadib waxa ay qaadatay Nidaamka Garsoorka Mideysan, iyadoo Qod.94aad faqraddiisa 1aad ee Dastuurka 1960kii uu Maxkamadda Sare awood u siiyay in ay noqoto cidda awoodda u leh dacwadaha maamulka, iyadoo faqraddaasi u dhignayd sidatan:-
“Maxkamadda sare ayaa noqon doonta xubinta garsoor ee ugu sarraysa Jamhuuriyadda, waxay yeelan doontaa awood ku baahsan Dalka oo dhan oo ay uga garsoori karto arrimaha madaniga, ciqaabta, maamulka & xisaabaadka iyo arrin kale ee kasta oo lagu qeexay Dastuurka iyo Sharciga”.
Sidoo kale Xeerka Nidaamka Garsoorka ee Xeer Lr.3 soona baxay 22 June 1962dii Qodobkiisa 5aad faqradiisa 3aad xarafkeeda B uu ku xusay in Maxkamadda Sare oo keliya ay awood u leedahay dhegaysiga iyo ka garnaqidda duridda lagu sameeyo go’aanada kama danbeysta ah ee kasoo baxa Maamulka Guud ee Dawladda, sidaas si la mid ah waxaa xusay Qodobka 13aad faqradiisa 3aad Xarafkeeda (T) ee Xeerka Nidaamka Garsoorka Xeer Lr:34 ee soo baxay 22 September 1974.
Sidoo kale Qodobka 8aad ee Xeerka Habka Madaniga Soomaaliyeed Xeer Lr:19 soona baxay 27 July 1974, waxa uu Maxkamadda Gobolka uu awood u siiyay in ay tahay mid dhegaysan karta dacwadaha dawladdu dhinaca ka tahay.
Qodobadaa sare ku xusan waxaa inooga soo dhex baxaya in Nidaamka Garsoorka Maamul ee Soomaaliya uu ku dhisan yahay in Garsoorka Caadiga ah ay tahay cidda awoodda u leh ka garnaqista dacwadaha Maamul, isagana loo wakiishay arrintaas.
Waxaa sidoo kale inoo muuqaneysa in marka la isla aqriyo qodobka 5aad ee XNG ee shegaya in Maxkamadda Sare ay awood u leedahay ka garnaqista go’aanada kama danbaysta ah ee kasoo baxa muumulka guud ee Dawladda iyo qodobka 8aad ee XHM ee sheegaya in Maxkamadda Gobolku ay awood u leedahay ka garnaqista dacwadaha dawladdu dhinaca ka tahay, in ay halkaas inooga soo baxayso in xeerku uu dacwadaha maamulka u kala qaaday laba qeybood oo mid kasta ikhtisaaskeeda siiyay maxkamad gaar ah, isagoo Maxkamadda Sare siiyay dacwadaha lagaga cabanayo go’aanada maamul, halka uu Maxkamadda Gobolka siiyay dacwadaha lagaga cabanayo murannada ka dhasha heshiisyada maamul ee dawladdu ay gasho iyo dacwadaha lagaga cabanayo hay’adaha dawladda iyadoo lagu sheeganayo xuquuq qof laga duudsiyay iyo dhammaan wixii dacwad maamul oo kale ah.
Tusaale:-
Haddii qof shaqaale rayid ah uu ka cabanayo go’aan maamul oo Hay’adda Shaqaalaha Rayidka ah ama Wasaaraddii uu ka shaqaynayay ay ka eriday oo shaqada kaga saartay, xilligaas go’aankaas waxaa looga caban karaa Maxkamadda Sare.
Waxaa la mid ah haddii Dawladda hoose ay soo saarto amar ah in dhulkiisii danguud ahaan loola wareegay ama la dumiyo maadama uu waddo ku jiro ama siyaabo kale in loogu baahday la sheegay.
Laakinse haddii qofkaasi uu ka cabanayo in xuquuqdiisi iyo mushaharkiisi aan la siinin sadexdii bilood oo u danbaysay oo Wasaaraddii uu ka shaqaynayay aysan mushahar u dalbin, goortaas waxa uu uga cabanayaa arrintaas Maxkamadda Gobolka, waayo waxa uu ka cabanayo ma ahan qaraar maamul ee waa xuquuq ka maqan.
Waxaa la mid ah haddii qof shaqaalaha ka mid ah oo ay shahaadadiisa jaamacadeed ay haysay Wasaaraddu, kadibna ay Wasaaradda ku lunto shahaadadiisu, xaaladdaas oo kale wuxuu ka dacwayn karaa Maxkamadda Gobolka isagoo codsanaya in magdhow laga siiyo dhibaatadii kasoo gaadhay dayacaadii ay dayacday wasaaradu shahaadadiisa.
Dhamaaan xaaladahani waxa ay ka siman yihiin in qofku waxa uu ka cabanayo aysan ahayn go’aano maamul ee ay tahay xuquuq maamul oo ka maqan.
Sidoo kale waxaa la mid ah haddii dacwaddu ka dhalatay heshiis maamul oo dhex maray dawladda iyadoo leh sifadeedi dawladnimo iyo siyaadadeedi (sovereignty) iyo dhinac kale oo gaar ah (private), sida in dawladdu kula heshiisay shirkad gaar ah in ay maamusho kastam dawladeed sida dekadda oo kale, wixii kasoo baxana ay dawladdu wax ka qaadato, shirkadda maamulaysana ay qeyb qaadato, laakinse ay dawladdu jebisay qeyb ka mid ah heshiiskii, iyadoo aysan jirin go’aan maamul oo dawladdu soo saartay, jebintaas iyo ka gaabinta ay dawladdu ka gaabisay in ay fuliso heshiiska wixii dhinaceeda lagula balamay, waxaa awood u leh dacwadda ka dhalata ka garnaqideeda Maxkamadda Gobolka.
Dhinaca kale waxaa Maxkamaddu Gobolku awood u leedahay ka garnaqista heshiisyada ay dawladdu ku gasho iyadoo aan lahayn sifadeedi dawladnimo aanna huwanayn Siyaadadii (sovereignty), sida in ay Wasaaradda waxbarashadu la gashay ganacsade in uu u dhiso 10 Iskuul, laakinse markii uu dhisay ay Wasaaraddu siin wayday xaqqii uu ku lahaa iyo qarashkii uu ka rabay, halkaasina ay ka dhalatay dacwad iyo muran ku qotoma arrintaas.
Waxaa middan la mid ah haddii wasaaradi qof caadi ah guri ka kiraysatay oo ay kiradii bixin weyday, qofkaasina uu Maxkamadda Gobolka ka furto dacwo uu ku dalbanayo in kiradii gurigiisa laga siiyo wasaaradda, sidoo kalena looga saaro gurigiisa oo heshiiskii la fasakho maadama ay oofin wayday wixii lagu heshiiyay.
Waxaa kale oo xusid mudan in heshiisyada Maalgeshiga shisheeye aysan hoos imaanaynin gebi ahaanba Garsoorka Soomaaliya oo Soomaaliya ay ka tanaasushay in khilaafka iyo muranada dhexmara dawladda iyo maalgashadaasha shisheeye in lagu xaliyo Garsoorka Dalka, iyadoona u weecisay hanaanka wadaxaajoodka labada dhinac iyo Taxkiimka (Arbitration), talaabadan waxaa si wada jir ah u qaaday labadii xeer ee kala danbeeyay ee Xeerka Maalgashiga Shisheeye ee 1987 iyo 2015, iyadoo Xeerka Maalgashiga Shisheeye ee 2015 uu si cad ugu sheegay qodobkiisa 19aad in haddii dhinacyadu ku heshiin waayaan Taxkiimka ay tahay cidda gartooda galaysa xarunta caalamiga ee xallinta khilaafadka la xiriira maalgashiga, laguna dhisay si waafaqsan habraaca Axdiga Xallinta Khilaafaadka Maalgelineed ee ka dhexeeya Dawladdaha iyo Muwaaddiniin dalal kale u dhashay ee lagu saxiixay Washington 19kii Maajo, 1965 (axdiga ICSID). Soomaliayana ay ogooshahay in loo gudbiyo khilaafka ICSID, sida ku cad Qodobada axdiga ICSID ah.
Arrintan Soomaaliya waxay kala mid tahay inta badan wadamada soo koraya, iyadoo ujeedka laga leeyahayna ay tahay dhiirigelinta maalgashiga shisheeye iyo soo jiidashadiisa, sidaa darteed haddii hadhow khilaaf maamul iyo dacwado idaari ah ay ka dhashaan heshiisyadaas dhexmaray dawladda iyo maalgashadaha shisheeye wax dawr ah kuma lahan garsoorka soomaaliya oo uu arrintaas kusoo dhexgali karo.
Jahwareerka Sharci ee jira:-
Iyadoo Xeerka Nidaamka Garsoorka labadiisa qeybood ee 1962 iyo 1974 iyo Xeerka Habka Madaniga ee 1974 ay sidaa aan hore usoo xusnay ukala qaadeen dacwadaha Maamul ayaa waxaa soo baxay markii ay taariikhdu ahayd 4 February 1975 Xeer Lr: 14 kaas oo magaciisu ahaa (Dacwadaha Dawladdu Dhinac ka tahay) kaas oo Qodobkiisa 1aad ku xusay sidatan:
“Dacwadaha Madaniga ah iyo kuwa Idaariga ah ee Dawladdu dhinac ka tahay waxaa awood loo siiyay Maxkamadda Badbaadada oo keli ah”. Intaa kadib waxaa soo baxay hadana Xeer Lr.51 kuna Taariikheysan 30 August 1975 kaas oo magaciisu ahaa (Sharci la xiriira dacwadaha ay dhinac ka tahay dawladda iyo laamaheedu), kaas oo qodobkiisa 1aad uu xusay:
“ Maxkamadda Badbaadada iyo laamaheeda Gobolada waxaa laga dhisay “Qeyb Madani ah” oo awoodeedu tahay in ay gasho dacwadaha madaniga ah ee ay dhinac ka tahay Dawladda, wakaaladaha Dawaladda ee Madaxa Banaan, Bangiyada, Dawladaha Hoose, Mashruucyada iyo Shirkadaha ay Dawladdu ama Wakaaladaheedu qeyb ku leeyihiin”, Qodobka 2aad isna waxa uu xusay:
“Maxkamadda Badbaadada Dalka ee Muqdisho waxaa laga dhisay “Qeyb Idaari ah” oo awoodeedu tahay in ay gasho dacwadaha Idaariga ah”.
Sidoo kale qodobka 5aad ee isla Xeerkani waxa uu jideynayaa “ Xukunada Idaariga ah ama kuwa Madaniga ah ee Maxkamadda Badbaadada Dalka iyo Laamaheedu ay soo saaraan waa kuwo dhamaad ah oo aan rafcaan laga qaadan Karin, Marka laga reebo Cabashada ku xusan sharciga tirsigiisu yahay 38 soona baxay 1972” dhanka kale qodobka 9aad ee isla Xeerkaasi waxa uu xusay in la baabi’iyay sharci kasta oo aan la socon karin ama ka hor imaanaya sharcigan.
Taas oo ka dhigan in la baabi’iyay qodobadii 5aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka 1962kii, qodoba 13aad ee Xeerka Nnidaamka Garsoorka 1974tii, qodobka 8aad iyo 10aad ee XHM, oo dhamaantood nidaaminayay hanaanka loo qaadayo dacwadaha Idaariga ah iyo kuwa dawladdu ay dhinaca ka tahay, kuwaas oo aan la jaanqaadi karin fikraddan cusub ee uu soo kordhiayay Xeer Lr:51 ee la soo saaray 30 August 1975, kaas oo u wareejiyay dhamaan dacwadihii Idaariga ahaa iyo kuwii dawaladdu dhinaca ka ahaydba Maxkamaddi Badbaadada kana wareejiyay maxkamadihii caadiga ahaa.
Inta la og yahay ma jirto meel lagu baabi’iyay Xeerarkaa Lr:14 iyo Lr:15 ee aan sare kusoo xusnay, sidoo kalena ma jirto Xeer lagu baabi’iyay Maxkamaddii Badbaadada oo awooddii la siiyay dib loogu celiyay garsoorkii caadiga ahaa ee Dalkeenna Soomaaliya, xittaa haddii aan dhahno Maxkamaddii Badbaadadu waa baaba’day oo si waaqici ah ayay u baabi’day, ma jirto wax soo noolayn karaya qodobada XNG iyo XHM ee xeerarkaa sare ay baabi’iyeen, maadama qaacidada guud ee qaanuunku ay tahay haddii xeer la baabi’iyo waxa uu ahaanaya baaba’ ilaa inta la helo xeer cusub oo dib usoo nooleeya maahane.
Waxaa intaa dheer in dhamaan xeerarkaas kore ee isugu jira kuwii Maxkamadda Badbaadada ka horreeyay iyo kuwii ka danbeeyayba, aysan kala caddayn halbeegga lagu cabirayo waxaa la dhihi karaa waa dacwad maamul iyo waxa aan la dhihi karin, sidoo kale waxa lagu kala soocayo dacwadaha Madaniga ah ee dawladdu darafka ka tahay iyo dacwadaha maamulka, iyadoo dunida inteeda badan ay xeerarkooda habka madaniga ama xeerarka lagu dhiso maxkamadaha Idaariga ah ay ku xusaan halbeegyadaas iyo waxa maxkamadaha Idaarigu ay ikhtisaaska u leeyihiin.
Waxaa intaas soo raaca in Ijtihaad garsoor oo soo baxay iyo dhaxal ay garsoorkii hore ama midka maanta jooga oo arrimahan ku saabsan oo ay ka tageen uusan jirin, taas oo iyaduna mugdiga sii badisay, ma aha wax wanaagsan in 60 sano oo dawladnimo aynu haysanay uu garsoorkeenu weli la daala dhacayo ama loo arko fadhiid aan wax soosaar lahayn ama dhaxal reeb u sameyn umadda Soomaaliyeed.
Hadda markii loo guuray nidaamka Federaalka ah ee ay dhismeen maamul goboleedyadu mid kastana uu yeeshay Maxkamad Sare, waxaa ilaa hadda sharci dabaqaha iyo Baarlamaanka dalku ay ku guul dareysteen in ay dejiyaan Xeer Nidaam Garsoor oo kala soocaya maxkamadahan iska garab dhisan ee isgarab socda iyadoo aysan jirin wax kala soocaya ikhtisaasaadkii Maxkamaddii Sare ee Federaalka iyo ikhtisaaska Maxkamadaha Sare maamul goboleedyada, taas oo iyana xaaladdii iyo jahawareerkii jiray sii dhabqisay.
Ugu danbayn waxa ay u muuqataa in Garsooridda dacwadaha maamul ee Dalku ay tahay mid madmadow badani uu ku jiro sharciyadooda, qofka u baahan in uu dacwo maamul garsoorka ka furtana ay ku adkaanayso in uu xadido meesha uu aadi lahaa iyo sida uu u xadidi lahaa nooca dacwadda maamul ee uu u baahanyahay intaba.
Mushkiladda baaxadda intaa le’eg lehna waxaa ay xalkeeda u taalla dhamaan sharci yaqaan kasta oo aragti ku biirin kara uu ka qeyb qaato sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda aan soo sheegnay.
0 Comments