Haddii aan maqaalkeennii hore intaas
kaga soo gudbo, mawduucana usoo daadegno waxaa su’aashu ahayd “Haddii qofkii la
sii daayo, xaq ma u yeelanayaa in looga magdhabo muddadii uu xirnaa”
Marka hore intaynaan is weydiin
qofkani xaq ma u leeyahay magdhow, waxaa ka horreysa su'aal ah qofkani sharci
maku xirnaa?
Haddiii jawaabtu haa noqoto, tallaabo
sharci ah oo la qaaday masuuliyad madani ah iyo magdhow ma ka dhashaan?
Haddii qofka uu isagu is geliyo
xaalad keeneysa tuhmo iyo shaki ah in uu dembi galay, kadibna sidaa lagu soo
xiro iyadoo sarkaalka Boliiska ah uu wato amar maxkamadeed ama uu soo xiro amar
maxkamadeed la’aantii xaaladaha uu sharcigu ogol yahay, kadibna qofkii la
horgeeyo garsoore si waafaqsan qodobada 39aad ama 45aad ee XHCS, garsoorahana
uu qiimeeyo tuhmada qofkan loo haysto xaddiga ay gaarsiisan tahay iyo
caddaymaha hordhaca ah ee qofkaan lagu hayo, kadibna uu sidaas ku rumaan
gareeyo isagoo adeegsanaya axkaamta ku xusan qodobka 47aad ee XHCS ee sheegaysa
mudooyinka qofku uu rumaan ahaan karo.
Xaaladdaas waxaa inoo muuqata in
dhammaan talaabooyinkaas la qaaday oo dhan ay yihiin sharci aysana jirin wax
xad gudub sharci ah oo loo geystay xiranaha.
Haddaba hadhow haddii qofkaas la sii
daayo sifo kastaba halagu sii daayee sida in Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud uu
gal xiris sameeyay ama inta la maxkamadeeyay ay maxkamaddu soo saartay amar ah
in aan qofkan la maxkamadayn karin si waafaqsan 115 XHCS ama ayba soo saartay
xukun ay ku bari yeeleyso oo ay ugu aqoonsaneyso in uu yahay dembi laawe,
qofkaasi ma codsan karaa magdhow laga siiyo dhibaatadii jireed iyo middii
maskaxeed ee kasoo gaartay Rumaanka iyo fursadihii ka dayacmay intii uu xirnaa,
sidoo kalena laga yaabee in uuba ku sumcad dilmay arrintaas?.
Xeerka dalkeenna Soomaaliya si cad
uma sheegin arrintan waxa laga yeelayo, kumana arag dhamaan sharciyadeena intii
ogaalkayga ah qodob arrintaan wax ka dhahay, xeerarka duniduna waa ku kala
qeybsan yihiin, waxaa la arkaa qolo tiraahda xabsiga ku meel gaarka ah
(Rumaanka) magdhow malahan iyo qolo tiraahda markastaba waa in dawladdu ka
magdhowdaa xabsiga haddii qofka ay gadaal ka caddaato in uusan dembi fale
ahayn, aragtidan danbe ayayse dunidu u badan tahay.
Inta badan waxaa ay u muuqataa in
aragtida xeerkeennu ay tahay haddii qofka sifo sharci ah lagu xiray, laguna
rumaan gareeyay, lana marsiiyay dhamaan habraaci sharcigu dhigay, arrintaasi
aysan ka dhalanayn wax masuuliyad madani ah iyo mid ciqaabeed toona, qofkii
sidaas lagu rumaan gareeyayna xaq uusan u lahayn in uu dalbado magdhow markii
la soo daayo, xittaa haddii ay gadaal ka cadaato in uu qofkani uu bar’ii ahaa
oo aanu wax dembiya lahayn.
Waayo waa marka koobaade qofkani
isagaa markii hore is geliyay xaalad abuuraysa tuhmo, joogitaanka boos laga
tuhmaysan karo raadna kasoo geli karo waxa ay ka dhigan tahay in uu isagu qeyb
ku leeyahay soo xiristiisa oo haddii aan raad soo geli lahayn, caddaymo lid ku
ahna aysan jiri lahayn ma muteen in la xiro oo la rumaan gareeyo waqti dheer.
Dhinaca kale qofkani waxa uu u xirnaa waa sharciga, sifo
sharci ah ayuuna ku xirnaa, garsooraha xirayna waxa uu gudanayay waajibkiisa
iyo shaqadii sharcigu uu faray, isagoona weliba hubiyay marxaladdii horgeynta
in ay jiraan caddaymo lid ku ah qofkan oo kelifi karaya in baaris dheeriya lagu
sameeyo kiiska, uuna ku mudan karo in la rumaan gareeyo, haddii uu shaqadan ka
gaabiyo garsooruhu ama qof aysan wax tuhmo oo wayn ka muuqan oo uu iska rumaan
gareeyo gadaal baan xukunkeeda ku sheegi doonaa.
Hadaba haddii la dhaho qof kasta oo lasoo tuhmo oo
si sharciga waafaqsan loo rumaan gareeyo, berri haddii la sii daayo wuxuu xaq u
yeelanayaa in uu dacwo madani ah furto ama mid ciqaabeed ku oogo ciddii soo
xirtay, taasi waxa ay keenaysaa in shaqadii ay istaagto qaanuunkiina cid fulisa
la waayo, miisaaniyadda dawladduna aysan arrintaas xamili karaynin in ay maalin
kasta qof rumaan ahaan u xirnaa ay magdhow siiso, iyadoo xeerku uu fikraddaas
ka duulayana uu aragtidan qaatay.
Nuxurka arrintaas waxaan ka fahmi
karaynaa Qodobka 33aad ee XCS oo isagu dhahaya “Loo aqoonsan maayo fal danbiyeed
fal kasta oo ka dhasha iyadoo la gudanayo xaq ama waajib uu jideeyay
qaanuunku”, haddaba mar haddii qaanuunku uu dhamaan masuuliyaddii dembi oo dhan
ka rogay kana cafiyay qofkii fal sharcigu dembi u aqoonsan yahay geysta isagoo
gudanaya waajib ama shaqo sharcigu amray, hadaba miyaysan kasii mudnayn in uu
masuuliyaddii madaniga ahaydna ka rogo oo aan magdhow loo raacan.
Halkaan waxaan ku joojineynaa
maqaalkennii maanta waxaana xigi doono part 3 oo la xiriira isla kiiskaan.
0 Comments