Magdhow Ma
Leeyahay Xadhigga Rumaanku Haddii Eedaysanaha Danbiga Lagu Waayo?
Xorriyadda qofku waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ugu qaalisan ee banii aadamka uu hantiyo, qofku in uu xor ahaado oo aanu gacan kale ku jirin waa xaq uu milkiyo laga billaabo marka uu dhasho ee ma ahan xaq ay cid kale mulki siiso, xaqqaasna waxaa lagu sugay shareecada islaamka iyo dhamaan heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ku saabsan, sidaas oo ay tahay waxaa mararka qaar imaan karta in qofka ay soo galaan tuhuno sheegaya in uu dembi galay, kuwaas oo keenaya in xaqqiisii xoriyadda la dhimo oo si ku meel gaar ah xabsi loogu hayo iyadoo laga amba qaadaya danta baarista dembiga iyo ka gungaaridda falka la baarayo, si uusan u carqaladayn baaristaas ama uusan u baxsan la tuhunsanaha ama uusan ugu ciyaarin caddaymaha iyo raadkii dembiga, iyadoo sharcigu daruuri ahaan u ogolaaday in qofkaas xabsi ku meel gaar ah (Rumaan/ Remand) lagu hayo goob sharcigu ogol yahay.
Rumaanku guud ahaan waxa uu ka hor
imaanayaa mabdii' guud ama lid ku yahay in asalku qofku beri yahay oo aan la xiri
karin, ilaa inta xukun kama danbays ah uu danbiile ka dhigayo ciqaabna ku
xukumayo, mabda’aas oo uu jidaynayay Qodobka 35aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la ansixiyey 1 ogosto 2012, sidoo kale mabda'ii
ahaa in xarigu uu yahay waddo ciqaabeed oo dawladdu ku ciqaabto dembiilayasha
la xukumo, sida ay jideynayeen Qodobada 96aad iyo 98aad ee XCS, laakinse
haddana mabaadi’daas waxaa loo jebiyay oo rumaanka loo ogolaaday waa arrinta lagama maarmaanka ah ee aan sare kusoo xusnay.
Dhinaca kale sharcigu isagoo ka cararaya in rumaanka lagula degdego qof kasta oo tuhun soo galo waxaa uu jideeyay waddooyin badan oo rumaanka looga maarmi karo, sida in qofka haddii tuhmadiisu ay tahay dembi fudud, la faray maxkamaddu in ay u samayso amar u yeeritaan si waafaqsan qodobada 43/1 iyo 48aad ee XHCS, iyadoona la tuhunsanaha laga rabo in uu maxkamadda yimaado oo keliya, iyadoo aan loo soo jaraynin amar soo qabasho iyo halasoo xiro toona, markuu yimaadana aan la rumaan garaynin.
Sidoo kale waxa uu sharcigu jideeyay xaaladaha qofka tuhmadiisu ka sarayso midda fudud kana hoosayso midda culus ee ciqaabteeda u yari ay 10 sano kor u dhaafayso in xaaladdaas qofka damaanad uu banaanka ku joogo la siiyo, inta dacwaddiisu kasoo idlaanayso si waafaqsan qodobada 59aad ilaa 64aad ee XHC, dhamaan arrimahaas oo dhan xeerku waxa uu uga gol-lahaa in uusan ku deg degin xariga la tuhunsanaha ee fursado kale uu bixiyo, ugu danbayn sidaa kagama uusan harine muddada xarigga rumaanka waxa uu eedaysanaha u xisaabiyay haddii la xukumo in mudadaasi noqonayso mid laga jaro ciqaabta guud ee lagu xukumay si waafaqsan qodobka 114aad ee XCS.
Tusaale haddii qof la rumaan gareeyey la xiray 1 maarso 2024 lana xukumay 1 ogosto 2024 laguna xukumay muddo sanad ah, xisaabta waxay ka soo billaabaneysaa maalintii xurriyadda laga qaaday ee la soo xiray.
Maanta halkaas ayaan ku joojineynaa maqaalkeennii aan ka qoreynay eedeysanaha la xiray haddii lagu waayo falkii loo soo xiray xaq ma u leeyahay in uu weydiisto mag dhow muddadii uu xirnaa, waxaana inoo xigi doono qeybta 2aad.
la socod wanaagsan.
0 Comments