Magdhow ma dalban karaa haddii eedeysanaha lagu waayo dembigii loo heystay Part 3

 

Maxaa magdhow lagu mutaa?

Maxaa Magdhow Lagu Mutaa?  Asaaska Magdhowga part 3

Mar haddii aynu magdhow ka hadleyno waxaa lagama maarmaan ah in aan u noqono xeerkii arrintan asalka u ahaa oo ah Xeerka Madaniga Soomaaliyeed, hadaba Xeerkan qodobkiisa 160aad waxa uu leeyahay “ Fal kasta oo dhibaato u keena dad kale waxa uu ku waajibinayaa qofkii la yimaada in uu bixiyo magdhow”. 

Qodobkan oo aasaas u ah baabka magdhowga, waxaan ka fahmi karnaa in garsoorku rumaankii ay eedeysanaha ku sameeyeen ay kasoo gaartay dhibaato, sidaa darteedna uu xaq u yeelanayo in magdhow laga siiyo. 

Laakinse markaan fiirinno Qodobka 162aad oo isaguna dhahaya “waajib kuma ahan in uu bixiyo magdhow qofkii caddeeya in dhibaatadu ay ka dhalatay gefka qofka dhibaatadu gaartay”, waxaa inoo soo baxaysa in maadama sidaan horey usoo xusnay dhibaatada qofkan kasoo gaartay xabsigii ku meel gaarka "rumaankii", uu isagu qeyb ka ahaa oo markii hore is geliyay xaalad abuuraysa tuhun, isna istaajiyay boos laga tuhmeysan karo raadna kasoo geli karo, in arrintaasi ay ka dhigan tahay in uu isagu qeyb ka ahaa dhibaatada gaartay sidaa darteedna uusan magdhow ku yeelan karin hay'adda garsoorka si waafaqsan qodobka 160aad.

Xaaladaha Qofku uu magdhow dalban karo

Marka koowaad:-

Marka eedaysanaha ay aheyd in lagu siidaayo horgeynta maadama aan la heynin caddaymo hordhac ah, sidoo kalena abuuraya tuhmo iyo raad soo geli kara eedaysanaha, kuwaas oo muujinaya in dembi dhacay eedaysanuhuna uu yahay midkii danbiga galay, iyadoo taasi ay jirtana uu garsoorihii isagoo aan waxba hubsan ama ku tagri falaya awooddiisa uu iska xiro oo rumaan u diro qof aan wax raad iyo tuhmo ahi soo gelin, iyadoo ay waajib ku ahayd sida ku cad qodobada 39aad ama 45aad in uu iska hubiyo sababta uu qofka ku rumaan garaynayo, dhinaca kale ay ahayd in garsooruhu uu qofkaas si deg deg ah u sii daayo haddii aanay jirin caddaymo iyo tuhuno qofkaan lid ku ah, sidoo kalena ay ahayd in uu talaabo ka qaado sarkaalkii baaraha ahaa ee qofkan iska sooxiray, si waafaqsan qodobka 32aad ee XHCS.

Marka labaad:-

Marka eedaysanaha lagu hayo xabsiga ku meel gaarka ah muddo ka badan intii sharcigu jideeyay ama waxa hadda loo yaqaan "Muddo dhaafka", iyadoo Qodobka 47aad uu waajibinayo in qofka si deg deg ah loo sii daayo haddii la dhaafo muddadii uu sharcigu u jideeyay in qofka rumaan ahaan loo hayn karo, haddii taasi dhici waydo qofku xaaladdan waxa uu xaq u leeyahay in uu dacweeyo garsoorihii galkiisa hayay ee masuuliyaddaasi saarnayd, iyadoo ay xusid mudan tahay in garsoorahaas ay waajib ku ahayd in uu isbuuciiba mar u yeero qofka oo la horkeeno si uu u hubiyo, xaaladdiisa guud iyo xarigiisa intaba.

Marka saddexaad:-

Markii ay ahayd in u yeeritaan keliya loo sameeyo eedaysanaha ee aan amar soo qabasho iyo xabsi ku heyn loo samayn sida in lagu tuhmayo in uu galay danbiyada fudud ee ciqaabtoodu tahay ganaax oo keliya ama xarig ka yar lix bilood sida ku cad Qodobka 43aad iyo 48aad, laakinse iyadoo ay aheyd in amar u yeeritaan loo sameeyo uu garsooruhu uu amar soo xiritaan u jaray ama uu rumaan gareeyay eedaysanaha, isagoo u gefay qodobadii sharcigu arrintaas ka dejiyay, xaaladdaan oo kale wuxuu dalban karaa magdhow.

Marka afaraad:-

Markii uu xaq u lahaa in lagu sii daayo Damaanad, isaguna uu soo codsaday, isagoo dhamaan shuruudihii looga baahnaa buuxiyay, laakinse garsooruhu isagoo awooddiisa ku tagrifalaya uu xaqqaas u diiday iyo markasta oo garsooruhu uu ku dhiso go'aankiisa xabsi ku heynta ama amarka soo qabashada sabab aan sharcigu sheegin.

Dhammaan xaaladahaas oo dhan qofku waxa uu dacwad madani ah oo uu magdhow ku dalbanayo, kuna codsanayo in looga magdhabo dhibaatadii kasoo gaartay xabsigaa ku meel gaarka ah (rumaanka) u ka furan karaa maxkamadda awoodda u leh, isagoo ku dhisaya qodobka 160aad ee Xeerka Madaniga Soomaaliyeed, maadama lagu xad-gudbay xuquuqdiisi, xarigaas iyo rumaankaasina uu ahaa mid sharciga baal marsan.

Dacwaddaas waxa uu ku furayaa garsoorihii rumaan gareeyay ama damaanadda u diiday ama falka kale ee sharci darrada ah u geystay isagoo cuskanaya qodobka 32aad ee Xeerka Habka Madaniga Soomaaliyeed ee jideynaya in garsooraha madani ahaan la dacwayn karo, marka uu gef ka galo shaqadiisa.

Eedaysanuhu dacwaddan waxa uu ku dalbanayaa in looga magdhabo dhibaatadii jireed ee kasoo gaartay rumaankii sharci darrada ahaa iyo fursadihii ka lumay intii uu xirnaa si waafaqsan qodobka 218aad ee Xeerka Madaniga Soomaaliya, sidoo kale waxa uu ku dalban karaa in looga magdhabo dhibaatada nafsadeed iyo midda maskaxeed ee xarigaas kasoo gaaray, si waafaqsan qodobka 219aad ee Xeerka Madaniga Soomalaiyeed.

Dhamaad

wixii aragti ama su'aal ah noogu soo hagaaji formka hoose.

Post a Comment

0 Comments