Maanta waxaan halkaan uga hadli doonnaa arrimahii taxanaha inoo ahaa ee dembi baarista, maanta waa maalin kale oo qiimo badan.
Adduunka waxaa udub dhaxaad u ah caddaalad, haddii caddalad la waayo waxaa qarribmaayo wax walbo oo adduunkaan yaallo sida amniga dhaqaalaha habsami u socodka nolosha aadanaha iyo horumarkeeda intaba.
Si intaas oo dhan loo ilaaliyo waxaa la sameeyey nidaamyo lagu maamulaayo dembi baarista iyo hey'adihii fulin lahaa howshaas oo isugu jiro Hey'adda Boliiska, hey'adda xeer-ilaalinta, Hey'adda Garsoorka iyo Hey'adda Asluubta oo mid kastaa shaqo gaar ah leeyahay.
Hey'adda Boliiska:
waa hey'adda u xil saaran kala xaqiijinta dembi falaha iyo dembi laawaha, soona waafajiya dembigii dhacay iyo qodobkii sharci ee loo gafay iyo faahfaahin dheeraad ah wixii la xiriira dembiga dhacay.
Hey'adda Xeer-ilaalinta:
waa hey'adda u xilsaaran tahay ama wakiil ka tahay qaanuunka Dowladda, qodobkasta oo qaanuuneed ee la jabiyaa waxaa dhibbane ka ah Dowladda, Dowladdana waxaa wakiil uga ah Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka qofkii jabiyaana asiga ayaa ku oogaya ciqaabta ku qoran qodobka loo gafay.
Hey'adda Garsoorka:
waa hey'adda saddexaad ee ee ay ku dhisan tahay Dowladda, waxayna u xilsaaran tahay in ay dhageysato dhinacyada ay dooddu ka dhaxeyso isla markaana ay ka soo saarto go'aan ku dhisan caddaalad, kadibna ay ku dhawaaqdo xukun waafaqsan qaanuunka dalka iyo mar walbana uu ka furan yahay rafcaan muddo 30 maalmood ah laga billaabo marka uu ku dhawaaqo xukunnada ciqaabta ah iyo marka uu warka xukunka gaaro dhinacyada xukunnada madaniga ah.
Hey'adda Asluubta:
waa hey'adda u xilsaaran idbinta iyo asluubeynta dadka u gafa qaanuunka ee ay soo gudbiso hey'adda garsoorka, ha ahaado garsuge ama xukunsane, waxaa kale oo ay qabataa in ay 24 saac kasta ka soo warbixiso xaaladda maxaabiista xag caafimaad iyo xag waqti intaba, waana halka ay ku qaataan xukumanayaasha muddada xukunka ay ku xukumaan garsoorka.
Maanta waxaa intaas inagaga eg maqaalkeennii maanta, Alle idinkii waxaan halkaan ka sii wadi doonnaa maqaalladeenni aan uga hadleynay arrimaha dembi baarista.
0 Comments