Supreme Court | Maxkamadda Sare ee Dalka

 
Sida ku cad Qod. 5 – aad ee Xeerka nidaamka Garsoorka 1962 maanta waxaan halkaan kaga hadli doonna awoodda maxkamadda sare ee dalka iyo maxkamadda dastuuriga ah.

Maadaama aanay jirin maxkamadda dastuuriga ah yaa buuxinaayo kaalinteeda, arrintaasna waxaan uga hadli doonnaa maqaalkeenna maanta ka bogosho wacan.

Maxkamadda Sare.

Xeerka Nidaamka Garsoorka ee la soo saaray 1962dii Maxakamadda Sare ee Dalka wuxuu u qeexayaa sidaan.

Maxkamadda Sare ee Dalka waxay xarun ku leedahay magaala madaxda Dalka Soomaaliya ee Muqdishu, waxayna awoodeeda ama ikhtisaaskeeda xuduud dhuleed ku baahsan tahay dhammaan dhulka Jamhuuriyadda, waxay xubnaheeda ka kooban yihiin Guddoomiyaha, ku xigeenkiisa iyo afar la Taliyeyaal.

Maxkamadda Sare ee Dalka waxay si dhab ah u xaqiijisaa ilaalinta iyo midnimada fasiraadda sharciga, waxayna qabataa hawlo kale ee destuurka iyo sharciga u xilsaaray.

Maxkamadda Sare fadhigeeda caadiga ah waxay dacwadda ku gashaa saddex xubnood oo garsooreyaal ah oo laga gudbi karin, waxayna ka garnaqaan;

a) Rafcaannada lid ku ah go’aanada ay soo saaraan maxkamadaha darajada labaad ama darajo kasta ee hay’adda garsoorka Jamhuuriyadda, sida dacwadaha shaqaalaha ee aan soo marin Maxkamadda Darajada labaad, markii ay kasoo gudbaan derejada 1aad waxay si toos ah cabasho loogu soo qaataa Maxkamadda Sare ee Dalka.

b) Rafcannada lid ku ah go’aannada Kama dambeysta ah ee maamulka Dawladda.

c) Rafcannada la xiirira la xisaabtanka saraakiisha guur ee maamula hantida guud.

d) Cabashooyinka dib u eegidda go’aannada ciqaabta ah ee ay gashay isla maxkamadda sare ee Dalka.

4. Maxkamadda Sare fadhigeeda loo dhan yahay, waxay ku go’aamisaa tiro aan is bedelin ee shan xubnood ah, waxayna gashaa;

a) Cabashooyinka ku saabsan sugnaashaha coddeymo rasmi ah ee la xiriira ka mid noqoshada xubnaha Golaha shacabka ee Qaranka.

b) Is qabqabsiga xuduud dhuleedka iyo mida awoodeed ee dhex marta dhowr hay’ad garsoor ee Jamhuuriyadda, sida laba maxkamad gobol in ay isku qabsadaan ka garnaqista fal dembiyeed ka dhacay xudduudda labada gobol isla markaana faldembiyeedkaas  raadkiisa ka muuqdo labada gobolba.

c) Go’aan ka gaarista Maaddo kasta uu guddoomiyaha u arko inay leedahay muhiimad gaar ah ee aan ku xusneen faqradda hore.

Maadaama aanay dhisneyn maxkamadda Dastuuriga Maxkamadda Sare ayaa u fadhisanaysa Maxkamad dastuuri ah iyo Maxkamad Sare ee Cadaaladda, waxayna fulinaysaa hawlaha mid walba loo siiyey awood ee ku xusan, Qodobbada la xiriira xeerka Nidaamka ama hawlaha Maxkamdda Sare, oo u qaabaysan Maxkamad Dastuuri ama Maxkamd Sare ee Cadaalad waxay u dhisan yihiin sida ku xusan lifaaqa 1aad ee xeerka Nidaamka Garsoorka.

Maxkamadda sare oo isu rogaysa maxkamadda dastuuriga, waxay gashaa sharciyaynta arrimaha ku shaqada leh dastuurka iyo shuruucda caadiga ah oo leh qiimeyn sharci, si waafaqsan dastuurka.

Dacwad qaadista arrimaha dastuuriga ah, xagga qaabka iyo dullucdaba ee shuruucda caadiga ah iyo kuwa dastuurka intaba, Maxkamaddu markay dacwooyinka

qaadeyso, wax qiimeyn ah ma siineyso arrimaha Siyaasadda iyo Awoodaha kale ee Xeer dejinta.

Maxkamadda sare ee Dalka oo isu rogeysa Maxakamad Dastuuri ah, waxay wax ku xukuntaa xubnaheeda oo kulli dhan yihiin oo aanay xubin ka maqneen iyo xubno kale oo la soo magacaabayo ahna garsooreyaal Shacabka ka imaanaya.

a. Laba xubnood oo Madaxweynuhu soo Magacaabo sadexdii sanaba mar markay soo jeediyaan gollaha Wasiiradda ee Jamhuuriyadda.

b. Laba xubnood oo uu soo xulo baarlamaanka uuna ku soo doorto codka aqlabiyada sadexdii sanaba mar, intaas ayaa go’aan ka gaarayo dacwada ay gali laheyd Maxkamadda Dastuuriga ah.

Maanta waxaa halkaas inagaga eg maqaalkeennii aan kaga hadleynay awoodda maxkamadda sare ee Dalka iyo Maxkamada dastuuriga ah, maqaalkeenna kan xigana waxaan uga hadli donna arrimaha dembi barista iyo garsoorka dalka.

Post a Comment

0 Comments