Maxkamadaha Dalka Soomaaliya

 Asc Akhyaarey maanta waxaan halkaan uga hadli doonna nidaamka Maxkamadaha Dalka Soomaaliya, sida aad la socotaan Dalkeenna Soomaaliya waxaa ka jiro Maxkamado kala duwan sida, Maxkamadaha degmooyinka, Maxkamadaha Gobollada, Maxkamadaha Rafcaanka Gobollada, Maxkamadda Sare ee Dalka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah, Maxkamadahaan waxaa la isku yiraahdaa Maxkamadaha dastuuriga ah.

Waxaa jiro Maxkamado aan Dastuuri aheyn haddana qaado dacwooyin go'aanna ka gaaro isla markaana xukunkoodu leeyahay awood fulineed, maxkamadahaan waa Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida,(Military Court), waxayna ka kooban tahay laba darajo oo kala ah Maxkamadda Darajada koowaad iyo Maxkamadda Darajada labaad oo loogu yeero Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida,  labadaan maxkamadood ikhtisaaskooda waxaa weeye in ay go'aan ka gaaraan wax Alle wixii dacwad Ciidan ah, Ciidan u eke iyo Ciidan la noole intaba, ikhtisaaskeeda dhuleed waa inta uu ku fadhiyo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maxkamadaha darajada 1aad

  Maxkamadaha Degmooyinka Dalka iyo Maxkamadaha Gobollada Dalka waxaa la isku yiraahdaa Maxkamadaha Darajada 1aad, labadaan maxkamadood waxay kala leeyihiin ikhtisaasaad kala duwan ama awoodo kala duwan, iyadoo ay jirto kala duwanaantaas ayaa haddana waxaa la isku dhahaa Maxkamadaha darajada 1aad ee dalka.

Maxkamadaha darajada 2aad

Maxkamadaha darjada 2aad ee Dalkeenna Soomaaliya waa Maxkamadaha Rafcaanka Gobollada Dalka Soomaaliya, maxkamadahan waxay galaan Dacwooyinka ay go'aannada ka gaaraan Maxkamadaha Darajada 1aad sida Maxkamadaha Degmooyinka iyo Maxkamadaha Gobollada ee la isku yiraahdo Darajada 1aad, Maxkamadda rafcaanku malaha ikhtisaas xaddidan sababtoo ah waxay gashaa dacwooyinka madaniga ah iyo ciqaabta, si kasta uu u kala duwan yahay qiimahooda iyo culeyska ciqaabta.

Maxkamadaha Rafcaanka gobollada kama billaabato dacwad, ha ahaato madani ama ciqaab, balse waxay gashaa dacwooyinka go'aannada looga soo gaaray darajada 1aad, waxaa jiro dacwooyin kooban oo aanay ikhtisaas u la heyn in ay gasho ama ka garnaqdo ama ay go'aan ka gaarto, kuwaas waxaan uga hadli doonnaa maqaal kale iyo maalin kale hadduu Alle idmo.

Maanta waxaan halkaan ku joojineynaa maqaalkeennii aan uga hadleynay Maxkamadaha Dalkeenna Soomaaliya, maqaalkeenna kan xiga waxaan uga hadli doonnaa maxkamadda Sare ee Dalka iyo Maxkamadda Dastuuriga ah iyo farqiga u dhaxeeya Maxkamadaha maamul ahaan hoos tago Dowladda federaalka iyo Maxkamadaha Dowlad Goboleedyada xubinta ka ah Dowladda federaalka.

Post a Comment

0 Comments