Waa maxay Xayiraad ama Fatashaad?

 


Maanta waxaan halkaan ugu hadli doonnaa arrimaha Dembibaarista gaar ahaa xayiraadda iyo fatashaadda ay sameeyaan hey’adaha caddaaladda dalka Soomaaliyeed.

Marka lagu jiro waqtiga baaritaanka Dembiga ee loo arko inay lagama maarmaan tahay amar xeritaan ama mid fatashaadeed ama mid xayiraadeed, sarkaalka Boliiska ah ee sameynaya baaritaanka dembiga waxaa uu Maxkamadda ikhtisaaska u leh ka codsanayaa amarka noocaas ah ee Fatashaadda ama xayiraadda, wuxuuna codsigaas ogaysiinayaa Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Fatashaad ama xayiraad, amar Maxkamadeed lagu sameeyey ama amar Maxkamadeed aan lagu sameynin, waxaa la raacayaa oo kali ah nidaamka xeerku jideeyey, haddii la sameeyo wax khilaafsan xeerka waxay noqoneysaa dembi si bareer ah loo galay.

Yaa soo saari kara ama sameyn kara Fatashaad ama xayiraad?

Soo saaridda amaradda fatashaada iyo xayiraadda waxaa kali ah oo soo saari kara waa Garsoore awood u leh ka garnaqista kiiska ay dooddiisu taagan tahay ilaa iyo inta dhegaysiga dacwaddu billowga tahay Maxkamadda derejada koowad, Gudoomiyaha Maxkamadda awoodda u leh ka garnaqista kiiska ay dacwaddiisu taagan tahay wuxuu soo saari karaa amar fatashaad ama xayiraad marxalad kasta oo ay dacwadu marayso Sida ku cad Qod. 53 XHCS.

Sidee ku soo bixi karaa amarka fatashaada ama xayiraadda?

Markasta oo la soo saarayo amarka fatashaada ama xayiraadu waxaa uu ku soo baxayaa laba nuqul oo ka koobnaanaya:

a. Magaca Maxkamadda soo saartay.

b. Taariikhda uu soo baxay amarka.

c. Sababta loo soo saaray amarka.

d. Faahfaahinta astaamaha gaarka ah ee qofka la baarayo ama ka la xayirayo, ama la fatashaayo, haddii aan la garanyn qofka la doonayo in laga xayiro dhaqdhaqaada ama la fatasho hantidiisa waxaa la qorayaa wax lagu garan karo sida naanays ama tilimaamo lagu garan karo oo caqli gal ah ama dadka kale uga soocan yahay.

e. Nooca shayga la xayirayo ama la fatashaayo iyo meesha uu ku suggan yahay shaygaas.

f.Faahfaahinta shayga la xayirayo ama la fatashaayo iyo qofka gacanta ku haya ama maamula oo mas’uulka ka ah sheygaas.

g. Sexeexa garsooraha soo saaray iyo shaambada Maxkamadda, sida ku cad Qod. 54 ee XHCS.

Goor maa la soo saari karaa amar fatashaad ama xayiraad?

Waxaa la soo saari karaa amarrada fatashaadda ama xayiraadda amar baaritanka waxaa la soo saari karaa:

a. Marka ay jiraan sababo lagu ramaysan karo in shayga ku lug leeyahay oo ay suurtagasho in laga helo ruux cayiman ama meelo ama shay cayiman,Baaritaanka meel cayiman, laga yaabo in gudaheeda laga soo helo ruux la doonayo in la xiro,Marka ay lama huraan tahay baarista qof cayiman, goob ama shay looga jeedo helitaanka qalab caddeyn ah oo muujin kara dembiga.

Amarka xayiraada Maxkamadda waxa la soo saari karaa marka ay jiraan sababo aasaasi ah oo la rumaysan karo in shayga dembiga lagu galay la heli karo lana soo qaban karo.

Shay kasta oo dembiga dhicitaankiisa qayb ka ah oo la helo xiliga baaritaanka, waxa toos loogu qabanayaa amarka baaritanka dhexdiisa, Marka qofka gacanta ku haya ama maamulaa shayga la qabanayo uu diido in uu bixiyo ama u hoggaansamo amarka xayiraada waxa wehlinaya awood u lahaanshaha baarista ilaa xadka ay tahay in la fuliyo amarka baarista sida ku cad Qod. 55 XHCS.

Halkee lagu fulin karin amarka baarista ama xayiraada?

Amarka baaritaanka ama midka xayiraadda laguma fulin karo guryaha gaarka loo degan yahay saacadaha u dhexeeya 18:00 galabnimo ilaa 7:00AM subaxnimo, haddii aanay jirin baahi deg deg ah oo lama huraan ah, haddii ay jirto baahi deg deg ah ama aan la heli Karin meel laga soo qaato amar fatashaad ama xayiraad waa la fulinayaa howshaas iyadoo aan la amrin saacad kasta iyo meel kasta.

Haddii la helo warqadda amarka fatashaadda ama xayiraadda Sarkaalka Boliiska ah ee fulinaya howshaas waxaa la siinayaa laba nuqul oo isku mid ah waxaa mid la siinaa qofka la baarayo ama qofka masuulka ka ah goobta ama shayga la baarayo ama la xayirayo sida ku cad Qodobka 56aad ee XHCS.

Xoog ma la isticmaali karaa si loo fuliyo amar fatashaad ama xayiraad?

sarkaalka fulinaya fatashaadda ama xayiraadda waxaa uu isticmaali karaa xoog caqli gal ah si uu u fuliyo fatashaadda ama xayiraada, haddii iska caabbin ama diidmo lagala horyimaado fulinta fatashaadda ama xayiraada wuxuu isticmaalayaa in la mid ah inta lagala horyimid.

Waxaa la fatashaayaa qof kasta oo xaadir ku ah meesha ay ka dhacday iska caabbinta, haddii ay jiraan asbaabo lagu rumaysan karo in uu ruuxaasi qarinayo shaygii lagu galay dembiga.

Qof kasta oo la baarayo ama qof kasta oo masuul ka ah goobta la fatashayo qalabka baaritaanku ku socdo ama la xayirayo waa in uu bixiyo tas-hiilaadka maangalka ah ee fulinta baarista iyo xayiraada.

Marka la baarayo (fatashayo) qof waa in anshax dhaqmeedka si buuxda loo dhawraa, haddii ay baarista ama fatashaadda ku timaaddo ruux dumar ah, kaliya waxaa fulin karta ruux dumar ah.

Haddii haweenay ay masuul ka tahay goobta la fatashaayo ama shayga la xayirayo, ay ku sugan tahay haween caado u leh in aanay bannaanka u soo bixin marka loo eego dhaqankooda aan u soo baxayn dibadda, haweenayda caynkaasi ah waxa la siinayaa fursad kasta oo macquul ah oo ay isugu asturto goob ku haboon oo ay isku qarin karto.

Sarkaalka Boliiska ah ee fulinayaa Fatashaadda ama xayiraadda kuma xad gudbi karo qalabka yaalla halkaas marka laga reebo kan la xiriira dembiga la galay sida cad Qod. 57 aad ee XHCS.

Miyaa la sameyn karaa Fatashaad ama Xayiraad iyadoo aan la heysan amar Maxkamadeed?

Fatashaad ama xayiraad amar maxkamadeed la’aantii lagu fuliyey waxay u baahan tahay Ansixin Garsoore kadib markii la soo qabtay howsha.

Sarkaalka Boliiska ah ee ka masuulka ah baaritaanka si waafaqsan Qodobka 24 XHCS waxa uu samayn karaa fatashaad ama xayiraad, isaga oo aan wadanin amar Maxkamadeed, haddii ay jirto baahi deg deg ah ama marka ay jiraan sababo la rumaysan karo in waqtiga lagu heli karo amarka Maxkadeed ee fatashaadda ama xayiraadda in ay dhaceyso:-

a) Qalabka marag muujinta ah ay suurtowdo in la baabi’iyo ama la tirtiro.

b) qofka la baadi goobayaa uu ku fakanayo inta lagu maqan yahay soo qaadashada amarka maxkamadda.

Sarkaalka Boliiska ah ee fulinaya fatashaadda ama xayiraada ee aan wadanin amar Maxkamadeed waxa uu sida ugu dhaqsaha badan ugu wargalinayaa Garsooraha awooda u leh ama Garsooraha Maxkamadda ugu dhaw meesha uu fatashaadda ama xayiraadu ka dhacayso, iyo sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka,isagoo u cadaynaya:

a. Sababaha ay lagama maarmaanka ka dhigay in sidaa la sameeyo.

b. Natiiijada ka soo baxday fatashaadda ama xayiraada caynkaasi ah ee la smaeeyey.

Haddii fatashaadda ama xayiraada caynkaasi ahi ee aan wadanin amar Maxkamadeed aan lala socdsiinin Garsoore mudo 8 maalmood gudahood ah,fatashaaddaasi ama xayiraadaasi waxaa loo qaadanayaa mid lagu fuliyay sharci daro ah oo noqanaysa mid qiimo sharci aan lahayn oo waxba kama jiraan ah.

Ilaa iyo xadka lagu dhaqmi karo, qaybaha Qodobka 32 XHCS iyo farqada 7 ee Qodobka 39 XHCS ayaa la dhawrayaa xeerku, marka la samaynayo baaritaan (fatashaad) ama xayiraad aan loo haysan amar Maxkamadeed sida ku cad Qod. 58 XHCS.

Gabagabo

Waxaa halkaas inagaga eg maqaalkeenni maanta oo aan ku soo qaadanay Fatashaadda iyo xayiraadda.

Post a Comment

0 Comments