Dembi Baaris Xaashida eedda iyo eed kala noqoshada

Maanta waxaan ka hadli doonnaa waxa loola jeedo Xaashida eedda ee aan mar walba ka maqalno Maxkamadaha iyo eed kala noqosho.

Sidee u eg tahay Xaashida eedda? ama ay u qoran tahay, sidee eed loogala laabtaa eedeysane?

Qaabka Xaashida eeda

Xaashida waxay noqonaysaa laba nuqul oo isku mid ah oo ay ku qoran yihiin: magaca hay’ada samaysay xaashida eeda, taariikhda la soo saaray Xaashida eedda, Magaca iyo address-ka eedeysanaha oo dhameystiran, ama astaamaha guud ee eedaysanaha leeyahay haddaan la garaneyn magaciisa oo dhameystiran, haddii aan la garanayn, tilmaamo kale oo caqligal ah oo si sugan loogu aqoonsan karo, dembiga lagu eedeynaya oo uu weheliyo hadal qeexan oo muujinaya tiirarka dembigu ku qotomo oo ay ku jirto waqtiga uu dhacay iyo goobta dembigu ka dhacay iyo qofka ama shayga dembiga laga galay oo faahfaahsan, Sharciga, iyo Qodobada xeerka ah ee lagu xad gudbay.

 

Waxaa kale oo muhiim ah in la Xuso duruufaha culeeya, marka laga reebo caadaystanimada dembiga iyo duruufaha keeni kara in talaabooyin ammaan laga qaado eedeysanaha iyo qodobada kuwaasi la xiriira, Astaamaha guud ee qofka dhibanaha ka ah dembiga dhacay iyo qofka duruufaha dembigu muujiyeen in uu noqday bilaa dembi, waxaa kale oo waajib ah in la tilmaamo haddiiba eedaysanaha lagu hayay xarig ah xabsi ah iyo in uu yahay maqane ku maqan damaanad ama baxsad iyo saxeexa masuulka sameeyay eedda iyo shaambada xafiiska.

Marka eedeysanaha lagu eedeeyo wax ka badan hal dembi.

Marka eedaysanaha lagu eedeeyay in ka badan hal dembi, eeddu waa in ay si isku xigta loo lambariyaa oo loo sameeyaa sida ay iskugu xigaan dhacdooyinku sida B T J X iwm.

 

Laba ama in ka badan oo eedeysanayaal ah haddii wada jir loo wada eedeynayo xaashida eeddu waa in ay muujisaa qof kasta dembiga la galay doorka uu ku lahaa dembigii dhacay sida ku cad qodobka 71aad ee XHCS.

 Marka xerayo gal dacwadeed ama galka la oodayo

 Oodista Dacwadda

Mar kasta oo go’aan la xiriira oodista dacwadda sida uu dhigayo xarafka (b) (ii) ee farqada 1 ee Qodobka 70 ee XHCS aanu qaadan Xeer-ilaaliyaha Guud laftiisa, go’aankaa oodista galka dacwadda waxaa ansixinaya Xeer-ilaaliyaha Guud.

Ku xugeenka Xeer-ilaaliyaha ee go’aanka ujeeddadaas leh gaaray, wuxuu nuqul go’aankiisa ka mid ah u dirayaa Xeer-ilaaliyaha Guud awoodna u leh in uu dalbado dhamaan nuqullada galka dacwadda.

Xeer-ilaaliyaha Guud haddii uu u arko in aanu haboonayn ansixinta go’aankaas oodista dacwadu, wuu diidi karaa wuxuuna amryaa:

In dacwadda lagu oogo eedaysahana si waafaqsan tilmaamaha xarafka a) farqada 1aad ee Qodobka 70, ama in uu amro baaris dheeraad ah lagu sameeyo kiiska si waafaqsan xarafka b) i) farqada 1aad ee Qodobka 70.

 Marka uu ansixiyo Xeer-ilaaliyaha Guud oodista dacwadda, xaaladaha oodista loo baahan yahay, go’aanka oodistu waa in loo diraa Maxkamadda  awoodda u leh taasi oo qaadaysa talaabooyinka loo baahan yahay ee ku dhigan Qodobka 76aad ee XHCS arrintaas waxaa la ogaysiinayaa eedaysanaha.

Marka laga reebo xaaladaha ku xusan faqrada 2 aad ee Qodobka 72aad ee XHCS ee aanay muuqan in ay dhamaatay dacwadu, xeer-ilaaliaya guud wuxuu baabi’inayaa   go’aanka oodista dacwada marka la helo cadaymo cusub, kuwaas oo keligood ama markay is-kaashadaan kuwii hore muujinaya in denbiga la galay, eedeysanaha loo heystana yahay ka dembigaas galay si waafaqsan qodobka 110aad ee XHCS.

Maanta waxaa halkaas inooga eg maqaalkeennii aan ka qoreynay dacwo ku oogis iyo dacwo kala laabasho.


Post a Comment

0 Comments