Maanta
waxaan halkeennii ka siiw adi doonnaa maqaalladii aan ka qori jirnay Dembi
Baarista, maantana waxaan halkeedii ka sii wadeynaa habka loo qoro
warbixinnada, sidoo kale waxaa lama huraan ah in aad fahansan tahay xajmiga ay
leedahay warbixinta iyo muhiimadda ay u leedahay dadka aqrisanaya warbixintii
aad diyaarisay, waxaana laga yaaba in ay iska dhaxlaan jiilba jiil oo ay jirto
inta ay aduunyadu jirto, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in aad si fiican
u dhuuxdo qormadaan.
Qorista
Warbixin Buuxda:-
Qorista
warbixin buuxda waxa ay u baahan tahay dhawr tillaabo si loo xaqiijiyo
hufnaanta, cufnaanta, iyo isku xirnaanteeda, halkan waxaaa ka heli doontaa hage
dhammaystiran oo ku saabsan sida loo qoro warbixin buuxda:
Faham Ujeedada:-
Marka hore si cad u faham ujeedada
iyo baaxadda warbixinta ay leedahay Ma wargelin, gorfayn, qancin, ama qiimayn
waxa ay ku dhisan tahay warbixintu.
Ururi dhammaan xogta la heli
karo, xaqiiqooyinka iyo macluumaadka loo baahan yahay in laga qoro warbixin
dhameystiran si wax looga qabto ujeedooyinka warbixinta, markasta soo xigo oo isticmaal
ilo lagu kalsoonaan karo sida joornaalada akadeemiyadda, buugaagta,
warbixinnada dawladda, iyo mareegaha sumcadda leh ee la aqoonsan yahay ama
heysta shatiga wasaaradda warfaafinta dowladda, sababtoo warbixinnada lagu qoro
mareegahaas inta waxay ku saleysan yihiin xaqiiqda.
Samee tilmaamo cad si aad u
habeyso fikradahaaga iyo macluumaadkaaga si macquul ah, qaab dhismeedka
warbixinta caadiga ah waxaa ka mid ah:
·
Ciwaanka ama ujeeddada.
·
Soo koobida ama hordhac kooban
oo laga fahmi karo waxa soo socda ee laga warbixinaayo
·
Tixraacyada la soo xigtay.
·
Faahfaahinta warbixinta.
·
Gabagabada warbixinta
· Talo soo jeedin (haddii loo arko lama huraan)
Qor Hordhaca:-
·
Bixi macluumaadka asalka ah ee
mawduuca.
·
Sheeg ujeedada ama ujeedooyinka
warbixinta.
·
Dib u eeg qodobada ama qaybaha
ugu muhiimsan ee lagu soo bandhigi doono warbixinta.
Faahfaahinta warbixinta:-
·
U soo bandhig xogta si habaysan
oo faahfaahsan, adigoo isticmaalaya qaybo-hoosaadyo haddii loo baahdo.
·
Isticmaal cinwaano ama cinwaan
hoosaadyo si aad si cad ugu qeexdo qaybaha kala duwan ee warbixinta.
·
Bixi caddayn la fahmi karo,
tusaaleyaal, iyo falanqayn si aad u soo bandhigto warbixintaada.
·
Hubi oo dib u aqri isku
xirnaanta warbixinta iyo hab qoraalka macquulka ah ee u dhexeeya qeybaha
cinwaannadda.
Qor Gabagabada warbixinta:-
·
Soo koob natiijooyinka ugu
muhiimsan iyo qodobbada muhiimka ah ee aad uga hadashay warbixinta.
·
Dib u sheeg muhiimada
natiijooyinka la xiriira ujeedooyinka warbixinta.
·
Ka fogow oo iska ilaali in aad kusoo
bandhigto macluumaad cusub gabagabada.
·
Wixii macluumaad cusub ah waxaa
looga baahan yahay in lagu soo bandhigo gudaha cinwaanka faahfaahinta.
Ku dar Talooyin ama talo soo jeedintaada:-
·
Iyada oo ku saleysan
natiijooyinka, soo jeedi talooyin macquul ah oo la fulin karo.
·
Hubi in talooyinka ay yihiin
kuwo gaar ah, macquul ah oo si toos ah ugu xiran ujeedooyinka warbixintii aad
soo qortay.
Ha ka badin qoraalka warbixintaada dibna u eeg wixii aad soo qortay mar kale:-
·
Samee dulmar kooban oo ku
saabsan warbixinta oo dhan oo ay ku jiraan ujeeddadeeda, habka qoraalka,
natiijooyinka muhiimka ah iyo gabagabada.
·
Ka dhig mid kooban oo nuxur
leh, inta badan u dhaxaysa 150 ilaa 250 kelmadood.
Dib u akhri oo wax ka beddel:-
·
Dib u eeg warbixinta si loo
caddeeyo isku xidhnaanta, naxwaha, shaqallada, iyo khaladaadka higaada luqadda
aad ku qoreyso warbixinta.
·
Hubi in qaabka qoraalku uu
yahay mid rasmi ah oo ku habboon dadka loogu tala galay in ay aqristaan.
Ku dar Tixraacyada iyo Xigashooyinka:-
·
Aqoonso dhammaan ilaha lagu
isticmaalo warbixinta adiga oo siinaya tixraacyo sax ah.
·
Raac habka xigashada ku habboon
si joogto ah inta lagu jiro qoridda warbixinta.
·
Ku dar waxyaabaha dheeriga ah
sida xogta aan la hubin oo aan soo dhameystirmin, jaantusyada, garaafyada, ama
macluumaad dheeri ah oo xoojinaya natiijooyinka laakiin laga yaabo inay aad ugu
faahfaahsaneen qaybta ugu muhiimsan ee warbixinta.
Dib u eegis iyo dhamaystir kale:-
·
Qof kale dib ha u eego
warbixinta si uu u bixiyo jawaab celin una garto wixii khalad ama iswaafaq la'aan
ah ama khaladaad dhanka qoraalka ah.
·
Samee dib u eegis lagama
maarmaan ah oo hubi in nooca ugu dambeeya uu buuxiyo dhammaan shuruudaha
warbixinta iyo waxyaabaha qiimaha u yeelaya warbixintaada.
Markaad raacdo tillaabooyinkan, waxaad si wax ku ool ah u qori
kartaa warbixin dhammaystiran oo habaysan mawduuc kastana waad ka qori kartaa.
0 Comments