9 Stages of a Case File, 9ka Marxaladooda ee uu maro Gal-Dacwadeedka

Si loo billaabo dembi Baaris ugu horreyn waa in la helaa warbixin sheegaysa in uu dembi dhacay, ama xarunta dembi baaristu yimaado dhibane ka ashtakoonayo dhib loo gaystay, sidoo kale waxaa jiri karto in ay dhacdo dembi la soo riboor-gareeyo.

Sida ku cad Qodobka 17aad ee XHCS, waxaa lagu hagaajinayaa  Ashkatooyinka, Warbixinada la Xiriira dembiyada Hay’adaha dembi baarista Boliiska, Garsooraha ama Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka  ama Sarkaal kasta oo Boliis ah, intaas kadib waxaa la xerayaa shakhasiga lagu tuhunsan yahay in uu falkaas isaga geystay.

Xarigga Tuhmanaha/yaasha.

Marka la helo warbixin sheegaysa jirtaanka fal-dembiyeed ama la helo dhibane loo gaystay dhib, waxaa durbadiiba la Xariyaa Tuhmanaha, haddii la ogaado in uu baxsad noqonaayo waxaa la xirayaa waaran maxkamadeed la’aan, waxaana la horgeynayaa Garsoore 48 gudaheed.

Xarigga Tuhmanaha/yaasha waxaa la raacayaa tilmaamaha ku qoran Qodobka 28aad & 29aad ee XHCS.

Qodobka: 28 Xeerka Habka Ciqaabta Soomaaliyeed wuxuu ka hadlayaa xarig.

Xiritaanku, amar Maxkamadeed haddii uu leeyahay iyo haddii kaleba, waxa kaliya oo lagu samayn karaa xaaladaha iyo qaabka uu u jideeyo sharcigu.

Qodobka: 29 XHCS oo ka hadlaayo Fulinta Xarigga.

Qofka la doonayo in la xiro waa in loo sheegaa in la xirayo iyo sababta loo xirayaba ama dembiga lagu soo eedeeyey ee xarigga ku muteystay.

Haddii qofka la doonaya in la xero uu Xoog kala hor yimaado cidda fulineysa xarigga ama isku dayo inuu baxsado (Fakado) Sarkaalkaas fulinaya xiritaanku wuxuu isticmaali karaa dhamaan qaababka sharciga ah ee lagama maarmaanka u ah si uu u meel mariyo ama u fulo xiritaanka.

Qofka la xiray lama saari karo xadidaad badan oo aan ahayn in la xakameeyo dhaqdhaqaaqiisa si looga hortago in uu baxsado (fakado), waana in la horgeeyaa garsoore awood u leh ka garnaqista kiiska loo heysto.

Haddii si dhamaystiran loo hubo in xarigaasi ahaa mid aan sharciga waafaqsaneyn qofka la xiray si deg deg ah ayaa loo sii daynayaa oo xurriyaddiisa ayuu dib u helayaa muddo 48 saac guduhood ah.

Billowga Baaritaanka Fal-Dembiyeedka:-

Marka la xero la tuhunsane waxaa isla markiiba Mas’uulka meeshaas ka taliyo ama mid ka mid ah howl-wadeennadiisa isku duba ridayaan Baaritaanka Gal-Dacwadeedka, waxaa ayna warbixinta (TAAR) xarigga tuhmanaha u dirayaan Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud & Maxkamadda Awoodda u leh ka garnaqista kiiskaas.

Saraakiisha Baarayaasha Boliiska ah markii lagu guda jiro Baaritaanka Fal-Dembiyeed dhacay waxaa la raacayaa Habraaca ku xusan Qodbka 24aad Ee XHCS, waana sida tan:-

Qodobka: 24 oo ka hadlaayo billowga baaritaannadadembiyada.

Sarkaalka Boliiska ah ee ka taliya Saldhig Boliis ee ay soo gaaraan war la xiriira dhicitaan dembi isla markiiba wuxuu ogaysiinayaa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Maxkamadda awooda u leh, wuxuu isku dubaridayaa oo habaynayaa shaqsi ahaan ama isagoo kaashanaya hawl-wadeenadiisa, baaritaanka dembiga la galay, isagoo u tixgalinaya sida lagama maarmaan loo arko.

Sarkaalka Booliska ah ee fulinaya baaritaanka la tuhunsanaha waxaa uu waraysanayaa qof kasta oo uu rumaysan yahay inuu ka war-hayo dembigii dhacay iyo qaabka uu u dhacay duruufo kasta oo dacwadu leedahay, sidoo kale wuxuu diiwaan gelinayaa ama qorayaa si waafaqsan Qodobka 22 XHCS war-bixin kasta oo uu yiri qof kasta oo uu baaray.

Marka lagu jiro waqtiga baaritaanka dembiga ee loo arko inay lagama maarmaan tahay in la sameeyo amar xiritaan ama mid fatashaadeed ama mid xayiraadeed, sarkaalka Boliiska ah ee fulinaya baaritaankaasi waxaa uu ka codsanayaa Maxkamadda awooda u leh amarka noocaas ah, waxaanu isla markaasi ogaysiinayaa  Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Xaaladaha deg degga ah markay lama huraan tahay, Sarkaalka Booliska ah ee fulinaya baaritaanku, waxa uu isagoon wadan amar Maxkamadeed xiri karaa qofka uu uga shakiyo inuu dembi galay.

Intaas ka dib waxaa la booqanayaa goobta dembigga ka dhacay, lagana soo uruurinayaa wixii Caddaymo & Marag Muujino ah ee lala xiriirinaayo fal dembiyeedkii dhacay, waxaana la marsiinayaa habka xifdinta Caddaymaha.

Waxaa jiri karta in uu eedeysanaha maqan yahay, isla markaana waxaa waajib ah in la dalbado amar soo qabasho & horkeenid Maxkamadeed si waafaqsan Qodobka 40aad, 41aad, 43aad ee XHCS.

Tallaabo waliba oo la qaado inta lagu ku guda jirto baaritaanka Gal-Dacwadeedka, waxaa lagu diiwaan gelinayaa Buugga Xusuus Qorka Baaritaanka si waafaqsan Qodobka 25aad ee XHCS, iyada oo la raacaayo dhamaan farqadaha Qodobkaas.

Tuhmane waliba oo lagu soo xiro amar Maxkamadeed la’aantii waa in garsooraha awooda u leh lagu horgeeyaa 48 saac gudahood, lana diyaarinayaa warbixin qoraal ah oo ku saabsan eedda loo haysto eedeysanaha, lana horgeeyaa Garsooraha wixii Marag Muujino ah ee Baaritaanka kooban lagu helay.

Natiijadda Horgeynta ka dhalatay waa in la ogaysiiyo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud si waafaqsan faqaradda 7aad ee Qodobka 39aad ee XHCS.

Maanta waxaa intaas inagaga eg maqaalkeennii aan kaga hadleynay dembi baarista, wixii talo ama tusaale ama su’aal ah waxaad noogu soo hagaajin kartaan Commentiga ama Form-ka hoose, aqristaha sharafta lahow waan kaaga soo jawaabi doonna wixii aad na soo weydiiso.



Post a Comment

0 Comments